Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanku waxay ogaayeen inaan la afqaban karin Xildhibaanada diidan Mooshinka isla markaasna meel marinta Mooshinka ay rajadiisu aad daciiftey.
Si looga hortago rabitaanka Xildhibaanada diidan Mooshonka waxay Villa Soomaaliya soo maloogeen Shax cusub oo ah sidaan hoose.
Xildhibaanada wada Mooshinka ayaa xalay guryaha loogu qaybiyey Mooshinkii iyadoo xildhobaanada diidan Mooshinka laga qariyey, waxaa lagu heshiiyey in Xildhibaan walbaa uu jeebka kusoo qaatp Mooshinka, Markii Baarlamaanka la yimaado(Subaxa isniin 24.11.2014) oo maanta ahaydna Xildhibaan walbaa uu kor u taago Mooshinka sidaasna umada looga dhaadhiciyo in Mooshinkii la qaybiyey.. sida xeer hoosaadku dhigayana sadex bari lasoo akhristo kadibna loo codeeyo.
Waxaa kaloo kamid ah kaartada lasoo wado in Gudoonka baarlamaanku uu Saxaafadaha ka hadlo uuna sheego in la qaybiyey mooshinkii.
Hadaba kalfadhigii maanta ayaa xildhibaanada Kasoo hor jeeda Mooshinka waxay ka war heleen kaartada uu Madaxweyne Xasan Sheikh soo maloogey oo xalay lagu qaybiyey Mooshinka.
Xildhibaanadii watey Mooshinka waxay iyana bilaabeen iney jeebabka kala soo baxaan Mooshinka.
Waxaa halkaas ka bilowdey Buuq iyo jeex jeexod mooshinkii.
Waxaa hoolkii soo galay Gudoomiye Jawasra oo laga warhayo inuu wax ka ogaa mooshinka guryaha loogu qaybiyey qayb kamid ah Xildhibaanada isla markaasna kala baroo bar Xildhibaanada Baarlamaankana laga qariyey arintaas, Taas waxay keentey in Xildhibaanadii diidanaa Mooshinka ay kasii xumaadaan Khiyaanada iyo qaska lasoo maloogey waxayna bilaabeen sawaxan tasoo keentey in Gudoomiye Jawaari loo diido inuu hadlo.
Gudoomiyaha oo laga jar jaray fiilooyinkii Mikorofoonka isla narkaasna aan wax hadala afkiisa kasoo bixin aan ka ahayn AAMUSA AAMUSA, ayuu hoolkii ka baxay sidaasaana kulankii maanta kusoo dhamaadey.
Waxaa hada socda kulamo ka socda Villa Soomaaliya waxaana æa qorsheynayaa sidii loo dabooli lahaa fashilkii maanta ku dhacay kukanka Baarlamaanka iyo in laga dhigo in Mooshinkii la qaybiyey, Xildhibaanadana loo direy iney sadex cisho soo akhristaan.
Waxaa muuqata in Xildhibaanada diidan mooshinka aysoo xoogaysanayaan ayna hada gaarayaan 125 xildhibaan oo isdhaarsadey.
puntlandi.com
post@puntlandi.com