Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiasiis Jaamac Guuleed ayaa Maanta Booqasho ku tagay Mid ka Mid ah Nalalka Cadceeda ku Shaqeeya oo kuyaal xaafada Hormar ee Gaalkacyo oo Koox Hormar diid ah ay ku dhufteen Bam.
Nalka Bamka lugu qarxiyay Nalkan Cadceeda ku Shaeeya ayaa jugyar gaartay Baratigiisa Waxaana Islamaanta ay Degmadu ka badashay baratigii iyadoo Mid Cusub lugu Xiray.
Maayarka Gaalkacyo Mudane Cabdicasiis Jaamac Guuleed oo halkaas Saxaafada Warkooban ku siiyay ayaa sheegay inay Badaleen Nalka Baratigiisii Koooxda Hormar diidkaa ay Qarxiyeen, Waxaana uu intaas Raaciyay Baaq uu udiray dadka shacabka akaas oo ahaa inay ilaashadaan Nalalka oo ay igau leeyihiin.
Docda Kale Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa shacabka Laamaha amaanka oo ay Boolisku ugu horeeyaan iyo Ciidamada Madanigaa ee xaafadaha Waxaa uu faray inay Toogtaan qofkii la arko isagoo waxyeelo ugaysanaya Nalaka Ifitiinka u ah Magaalada Gaalkacyo.
Duqa ayaa isagoo Hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in Nalakaan ay ku baahinayaan Xaafsdaha Magaalada si amniga ay uga qaybqaataan.
Xaliimo Caso oo ah Gudoomiyaha Xaafada Hormar ee Gaalkacyo ayaa iyadooo dhankeeda hadall Jeedinaysay Shacabka xaafada Hormar ugu baaqday inay bixiyaan Lacago lasiijiray Ciidanka Madanigaa ee Xaafdaas kuwaas oo amniga xaafad wax wayn katarijiray.
Dhanka kale Xaliimo ayaa Nalaka Cadceeda ku Shaqeeya ee Gaalkacyo laga Hirgaliyay ku tilmaamtay inay yihiin Horma soo siyaaday Hbayankiina ay Iftiinka Xaafadaasi Hormar waxbadan ka tareen.
Nalalkaan Cadceeda ku shaqeeya ayaa Bulshada Gaalkacyo soo dhaweeyeen, iyagoona dhanka kalana Maamulka ugu Baaqay in lasii balaariyo Mashruucaan.
XAFIISKA WARFAAFINTA DEGMADA GAALKACYO.