Copenhegan–19 Nov.2014–Pi-
Shirkii New Deal ee Arrimaha Soomaaliya looga hadlayay ayaa ka bilowdey Magaalada Copenhegan ee Dalka Denmark.
Waxaa shirka furey Ra’iisul Wasaaraha Denmark Helle Thorning-Schmidt oo ku dheeraatay baahida Caalamku u qabaan amaan Soomaaliyana ay waayadaan dambe kaalin wayn kaga jirto saameynta meelaha looga hadlo sugida amaanka ee Caalamka, waxay sheegtey in maanta halkaan la isugu yimid sidii horey loogusii wadi lahaa kaalmeynta Soomaaliya, Dhinac amaan iyo mid horumarineed.
Shirka oo la qorsheynayay iney kasoo qaybgalaan Wafuud sarsare ayaa muuqata in wadamada badankoodu aysoo dirsadeen Wakiilo halka la sugayay wafdi heer Wasiir ah.