Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Shariif Xasan Sh. Aden oo cod aqlibiyad ah ugu guuleystey Madaxweynanimada Koonfur Galbeed

$
0
0

Shariif  XasanGudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aaden ayaa noqdey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii uu Cod buuxa ugu guuleystey doorashada.

Shariif Xasan ayaa waxaa u codeeyey inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose Ergo gaaraysa 373 Ergo, waxaa ka aamusay 8 Ergo waxaana diidey oo aan u codeyn asaga 15-Ergo.

Madaxweyne Shariif Xasan oo ah nin lagu Xanto inuu yahay siyaasi ruug cadaa ah oo marka xaalku ku xunyahay yaqaan si uu uga dabaasho ayaa laguwadaa inuu kaalin muuqata ku yeelan doono Siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa hada laga sugayaa inuu dhakhso usoo dhiso xukuumad baaxadweyn.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles