Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Waxaan filayaa in la gaarey Xiligii Soomaaliya laga xukumi lahaa Garowe, Ileyn wixii Muqdisho galaa waa Qaran dumise

$
0
0

22 Sano Waxay Soomaaliya kusoo jirtey Jab iyo bur bur iyo Dowlad lugaha ay hayaan Dad Daaha Muqdisho Gadaashiisa taagan, Madaxweynuhu ma gaari karo go’aankiisa, Xildhibaanadu kama doodi karaan Waxay doonaan, codka markay qaadayaana Sanduuq qarsoon looma ogola waayo Gacan taagu waa siyaasada Muqdisho iyo in Xildhibaankii kasoo hor jeesta siyaasada Muqdihso la arko ama la calaamadeysto.

 

Waxaa hubaal ah in 22 Sano sababta ay Soomaaliya u yeelan waydey Dowlad tayo leh meelo qaldan laga doonayey, Sababta Rasmiga ahi waxaa weeyey Caasimada soomaaliya ee Muqdisho oo noqotey Magaalo seegtey Meeqaankii Caasimadnimo, Dawoda Soomaaliya ku yeelan karto Dowlad tayo leh waa Caasimada oo laga badalo Muqdisho, WAAAAAYO

Muqdisho 22 Sano bay lugaha haysatey Shacabka Soomaaliyeed

 Muqdisho 22 Sano baa maalin walba 22 qof lagu aasayey

 Muqdisho 22 Sano baa Dulmi lagu hayay Dad Islaam ah.

Muqdisho waxaa isku urur sadey Dad aan Dowladnimo iyo Shacab Soomaaliyeed Dan ka lahayn.

Waxaa Xaqiiq ah in aysan habooneyn in Reer kaliya lagu eedeeyo dhibka Muqdisho ka jira, waxaa Muqdisho daaheeda gadaashiisa fadhiyaa Mafiyo reer kasta leh, inkastoo loo kala badan yahay, Reerka Magaalada u badan magac ahaan waxaan hubaa iney yihiin Dad loo martiyi karo, lakiin Talo farahooda kuma jirto maanta, Xalkuna waa magaaladoo la go’doomiyo lagana wareejiyo caasimada.

Hadii la rabo qaran Soomaaliyeed oo tayo leh , Caasimada si kumeel gaara halooga wareejiyo Muqdisho,  oo ha lageeyo Magaalo kale Bsydhabo ama Kismaayo, ka Waran Garowe , Dalku Muqdisho oo qura ma ahan Soomaali na muqdisho oo qura kuma noola.

Waa in la helaa magaalo aysan joogin Ciidan shisheeye, tasoo laga helayo ciidan Soomaaliyeed oo dhowra amaanka Madaxda iyo xildhibaanada Qaranka, Waa in la helaa Magaalo ay Madaxdu go’aankey raabaan gaari karaan iyadoo aysan jirin cid u hanjabaysa ama ay ka baqayaan.
waxaan hubaa hadii Masuuliyiinta dowlada iyo Xildhibaanada soomaaliya ay helaan Magaalo ay xor u yihiin in dowladnimo tayo adag la heli lahaa.

Madaxda Reer Galbeedku Markey Muqdisho yimaadaan oo ay la kulmayaan Madaxda Dowlada waxay kula kulmaan Xalene iyo Garoonka Diyaaradaha oo ay Amisom gacanta ku heyso, iskumana haleeyaan iney Habeyn seexdaan Muqdisho, saacado kooban bay la joogaan Madaxweyne Xasan Sheikh iyadoo waliba saacadahaas aan la dhaafin Xalane ama Garoonka diyaaradaha LAAKIIN markay Garowe Tagaan waxay horey usii qaataan Boorsooyinkooda iyo Macawisahooda si ay u seexdaan garowe, iyadoo amaankooda ay sugayaan Ciidan Soomaaliyeed oo qura, Waxayna Madaxweynaha Puntland iyo Waiiradiisa kuwada casheeyaan barxada Madaxtooyada Puntland, halkaasna maalmo baa la isku waraystaa laguna wada qaxweeyaa.
Ergaygii gaarka ahaa ee QM Augostiina Mahiga baa waxaa laga Hayaa inuu yiri “Nairobi inaan seexdo waxaan ka jeclahay Garowe markaan u hoy’do”

Waaxaan Xasuusanaa Alla ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullahi yusuf markuu  Xukuumadiisii ka raray Kenya wuxuu ka dajiyey Jowhar iyo Baydhabo, Waxaan ka dhaxalney Iftiin dowlad nimo, lakiin iftiinkaasi wuxuu damey Markii Muqdisho la geeyey Dowladii.

Dowlad hadii la rabo Caasimad soomaaliya haloo raadiyo.

W/Q Xasan Farataag

USA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles