Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo 115 Xildhibaan oo taageersan Raysal wasaaraha soona saarey Warsaxaafadeed

$
0
0

IMG_3351Koox Xildhibaano ah oo wada Mooshin ka dhan ah Xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali ayaa maalmahaan waxay Baarlamaanka ku afduubeen Borobogando ay Villa Soomaaliy kharashaad badan ku bixinayaan si looga been sheego tirada rasmiga ah ee wada Mooshinka.

Xildhibaanada wada Mooshinka waxay u badan yihiin Xildhibaanadii ka tirsanaan jirey Baarlamaankii ku meelgaarka kuwasoo ay caado u tahay Qaadashada laaluushku iyo abaabulka Mooshinada lagu helo dhaqaalaha.

Xildhibaanada loogu yeero Xildhibaanada Xalaasha ah ayaa ah kuwa danta jeebkood ka hormariya danta Shacabka kana xishooda iney u qabqableeyaan ku tumashada sharciga ay ku dhaarteen.

Hoos ka daawo Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah xukuunada, Xildhibaanada Xalaasha ah waxay kasoo tilmaameen in Mooshinkaan uu yahay mid shariga aan waafaqsaney isla markaasna aan ka imaan Baarlamaanka dhexdiisa ee uu yahay Mooshin lagasoo abaabuley Madaxtooyada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles