Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

San Diego City Council oo u fasaxday dareewaldu inay yeeshan tagaasi u khaasah.

$
0
0

2014-11-11 09.48.47

San Diego, USA–11 Nov.2014–Pi– Waxaa manta si rasmi ah loo meel mariyey sharci loogu ogolaanaayo dareewaladda ka shaqeeya tagsiga ineey si madaxbanaan u yeelan karaan tagsi khaas u ah. Sharcigan oo mid noociisa oo kale ah ay igu dambeeyey 1979-1984. Sida ku cad warbixin ay soo wada saareen MTS iyo Sherif department waxaay sheegeen in 89% dareewalada tagsigu inaanay lahayn tagsi iyagu ay leeyihiin. balse ay ka ijaartaan dad tiro yar oo iyagu xaqdaro ku haysta taxi permit-ka.sida laga sheegay hallka way nee Sandiego (Golden Hall) dadka tagaasida lihi waxaay bixiyaan oo san diego city u xareeyaan sadex kun oo dollarka maraykanka ah($3000) halka ay ku sii iibiyaan lacag ka badan boqol iyo afartan kun oo dollarka maraykanka ah($140.000)

Hadaba dareewalada magaalada San Diego oo intooda badani ay Soomaali yihiin ayaa waxaay saluugeen sida ay wax u socdaan ayagoo bilaabay olole lagaga hor tagayo nidaamkan suuqa madoow ah oo ku kalifay dareewalo badan iney shaqada iskaga tagaan cadaadis iyo qiimo aad u sareeya iyo iyadaaney jirin wax xaquuq ah oo ay leeyihiin. Sanadkii 2009 ayaa waxaa isugu yimi dareewalo aad u faro badan oo dad maraykan ka soo jeeda iyo qoomiyado kala duwan oo ka baayacmushtarta tagaasida waxaanay halkaa ku yagleeleen urur wayn oo la yiraahdo United Taxi Worker of San Diego. UTWSD. waxaa ugu dambayntii go’aan adag ka qaatey San Diego City Council oo garowsatey in lasoo gaadhey xiligii la tix gelin lahaa baahida magaalada iyo xuquuqda dareewalda waxaana u codeeyey  sideed xubnood, halka uu ka diidey hal qof oo keliya waxaa lagu ansixiyey aqliimiyad  aad u sareysa waxaanay ka markhaati kacaysaa  demoqoraadiyada ka jirta dalkan maraykanka iyo inaan cid kaliya loo lug xidhnaan Karin.

Ahmed Warsame (Gurey)

San Diego, Koonfurta Kalafoorniya


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles