Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ardeyda Soomaaliyeed ee Chine oo xusey dhalashadii Puntland(Sawiro)

$
0
0

SANADGUURADII 15AAD EE KA SO WAREEGTAY ASAASKII DOWLADA PUNTLAND OO LAGU QABTAY DALKA CHINA

Caawa oo ay ay taariikhdu ku aadantahay 11/08/2013 waxaa ka dhacday hotelka riyaad ee ku yaal magaalada jilin e dalka china xaflad balaaran oo lagu maamusayo asaaskii puntland.

Xafladan ayaa ahayd tii 3AAD ee lagu qabto dalka china waxayna ahayd xafladii ugu balaarnay abid lagu qabto dalkan.waxaana ka so qayb galay marti sharaf badan oo ka kala yimid magaalooyin kala gadisan sida Wuhan ,Jianxi,changchun,shenyan,dalian iyo Nanjing.

Sida caadadu ahayd waxaa munaasabada lagu daahfuray aayadaha quraanka kariimka ah ,kadib waxaa si toos ah xaflada ufuray DR c/raxman filibin xassan wuxuuna so dhawayn ballaaran ufidiyey dhammaan kasoo qayb galayaasha xaflada isago hambalyo udiray xukuumada iyo shacabka reer puntland meelkasta oo ay joogaan.

Saxaa xaflada laga jeediyey barnaamijyo badan oo ay kamid yihiin taariikhda faca weyn ee deegaanada puntlandby DR aspima ,horumarkii puntland ay gaartay 15 kii sano by DR cabdalla c qood,sido kale kalmado ay so jeediyeyeen qaybo kamid ah martidii katimid gobolada kala gadisan iyo geeraaro ka turjumaya gobonimada dadka dhul udug oo uu soo jeediyey suldanka axmed deeq.

Iyado lagu guda jiro munaasabada aya waxaa khadka telephoneka nagala so qayb galay wasiirkaka caafimaadka dowlada puntland DR cali cabdullahi warsame wuxuu ugu hambalyeeyey arada sida wanaagsan ay uso abaabuleen xuska sanadguuradii puntland ,wuxuuna tafaasiil ka bixiyey baahiyaha caafimaad ee kajira dalka maadaama ay ardada dalkan wax kabarata 90% ay yihiin arday maadada caafimaadka barta,ugu danbayntii wuxuu ardada kula dardaarmay inay diinta iyo dhaqanka ay ilaashadaan dalkoodana dib ugu soo laabtaan maadaama uu dalku baahiyo weyn u qabo.

Isku so wada duuboo waxaa gunaanadkii xaflada kalmadii xirititaanka so jeediyey DR c/fitaax ciise x.cumar wuxuuna dhalinyarada ku dhiirigaliyey inay maanka kuhayaan markasta baahiya caafimaad ee ka jira dalka ayna yihiin mustaqbalkii ummadan samatabixin lahayd ,wuxuuna ku baaqay in nabadda iyo wadajirka puntland ay tahay lama taabtaan.

Waxaa la qabtay cub lagu xusayo qaangaarnimada puntland ee magalooyinka changchun iyo jilin ku tartameen si ay dhalintu isugu dhexgasho,waxaana cubkii la hoyday walalaalaha jilin ee martida loo ahaa.

Sawirada hoos ka daawo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles