Boqolaal Caruur Soomaaliyeed ah ayaa Waalidkood laga Xadey iaydoo maskaxda laga xaday Caruurta, Badankooda waxaa loo direy Soomaaliya, halkaasoo ay qaarkood ku dhinteen, Wadaad u dhashey Emaaraatka carabta ayaa sheegey in Dadka caruurta u dira Jihaadka iney yihiin Dad dano kale wata, wuxuu sheegayaa Shiikhu in Dadkaas iyaga Caruurtoodu ay dhigtaan jaamacadaha ugu qaalisan aduunka, umana diraan jihaad iska daaye meel Wax dhib ah kasoo gaarayaan caruurtoodo.
Shiikhu wuxuu kaloo sheegayaa in Dadka Caruurta ka dhaadhiciya XigmadA beenta ah iney markay iyagu safrayaan ay si raaxo leh u safraan ,diyaada waxay ka fuulaan booska qaaliga ah ee loo yaqaab 1.class.
Bilahaan waxaa caruurta laga dhaadhiciyaa in jihaad ka socdo Dalka Suuriya, Caruur baadan oo Soomaaliyeed oo Maskaxda laga xadey ayaa hada loo direy halkaas, qaarkood waaba ku geeriyoodeen.
Daawo Video-gaan hoose oo sheikhu ku cadeynayo in Jihaadka Caruurta loo diraa uu yahay Qalad.