Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Maqaal “DA’WOCO QAYBTA YAA KU BARAY”

$
0
0

MADAXWAYNE-XASAN1

Hordhac

Horraantii bishii Luuliyo waxaa magaalo madaxda gobolka Banaadir ee Muqdisho lagu qabtay shir maamul loogu dhisayo gobollada dhexe, shirkaas waxaa la iskugu keenay qaar kamid ah maamullada ka jira gobollada dhexe, sida Maamulka Galmudug, Maamulka Ximan & Xeeb, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca. waxaana garwadeen ka ahaa Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaay Dowladda Federalka ka tagtay Maamulka Somali Central State oo magaalo madaxdiisu tahay Caabudwaaq. Shirkaas waxaa lagu kala saxiixday heshiis ka kooban qodobo badan balse waxaa ugu darnaa qodob ka kiciyay lurta, oo dhigayay in Maamul loo sameeyo gobolladda Mudug iyo Galgaduud, waxaana markhaati ka ahaa beesha caalamka oo ay ugu horayso AU, IGAD, EU, UN.

Shirkaas waxaa shaki ka muujiyay Dowladda Puntland iyo guud ahaan shacabka reer Puntland. Iyaga oo u arkayay in dhulkooda qayb ka mid ah lagu sheeganayo, waxayna Dowladda Puntland dalbatay in la cadeeyo qodobkaas. Arintaas waxaa ka hadlay madaxda Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha wuxuuna sheegay maamul u samaynta gobollada dhexe in aysan saamayn ku yeelandoonin Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa shirkaas walaac iyo shaki diidmo wadata  ka muujiyay maamulka Somali Central State iyo shacabkiisa iyaga oo u arkayay in dad gaar ah loogu danaynayo isla markaana la adeegsanayo magac dowladdeed.

Kadib markii ay ku fashilantay Dowladda Federalka ee Soomaaliya in ay caddayso qodobkaas Dowladda Puntland waxay qaadatay tilaabo adag oo ay kaga jawaabayso arintaas, waxaana shir saxaafaddeed qabtay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Abdiwali Mohamed Ali Gaas, taariikhdu markii ay ku  beegnayd 31 July wuxuuna sheegay in la hakiyay xiriirkii Dowladda Federalka iyo Dowladda Puntland ka dhexeeyay, wuxuuna shir wadatashi ah ugu yeeray xubnaha Puntland ugu jira Dowladda Federalka, kuna mudeeyay 15 Aug ugu dambayn in la isku yimaado si looga wada xaajoodo heshiiska mugdiga badan dhaliyay. Kadib wadatashi dheer oo ay yeesheen xubnihii ka yimid Federalka iyo Dowladda Puntland waxay isla meel dhigeen qodobo badan  oo ay ka mid ahayd in ay wada hadlaan Dowladda Puntland iyo Dawladda Federalka. Puntland wada hadalkaas waxay sharuud uga dhigtay in beesha caalamka ay goobjoog ka haato si ay markhaati uga noqoto wada hadal dhexe mara Dowladda Federalka iyo Dowladda Puntland.

Qodobadii shirkii wadatashiga ka soo baxay markii ay wada sixiixeen Dowladda Puntland iyo Xubnihii Federalka ka socday, waxaa Qoraal saxafada u soo diray wasiirka warfaafinta DF Mustafe Shiikh Dhuxulow waxaana lagu sheegay inay soo dhawaynayaan go’aankan ayna diyaar u yihiin wax kasta oo la isku hayay in lagu dhameeyo wada hadal iyo is-faham.

Duluc

Taariikhdu markii ay ku beegnayd 10 Oktoobar 2014 waxaa magaalladda Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland soo gaaray  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo, oo ka soo kicitimay Magaallada Muqdisho, safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda wuxuu salka ku hayay in uu wada hadal la furo Dowladda Puntland soona celiyo wada shaqayntii Dowladda Federal ka iyo Dowladda Puntland, isla maalintii Madaxweynaha Dowladda Federalka wuxuu soo saaray war-saxaafaddeed uu kaga warbixinayo safarka Ra’iisal Wasaaraha wuxuuna yiri “Ra’iisal Wasaaraha waxa uu 12 Oktoobar kala qayb gali doonaa dadweynaha iyo hogaanka Puntland munaasabada dabaaldega Maalinta Calanka Soomaaliyeed”. Dadka siyaadda gorfeeya  hadalkaas waxay ku fasireen in Madaxweynuhu macne kale u samaynayo safarka Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kale marin habaabinayo dhagaha beesha caalamka.

Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaaraha iyo Dowladda Puntland waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban labo iyo toban  qodob, waxaana lagu caddeeyay dhamaan wixii la kala tabanayay oo ay ka mid ahayd jiritaanka gobolka Mudug gaar ahaan qaybta Puntland maamusho, heshiiskaas waxaa goobjoog ka ahaa beesha caalamka sida AU, IGAD, EU, UN. Goobjoogenida beesha caalamka ee shirkii Garowe waxay ka dhigan tahay in markii hore Diplamaasiyadda la il-duufiyay.

Heshiiskii Garowe kadib war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waxaa lagu yiri “waxaan aqoonsannahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo xoojisay islamarkaana dhistay hay’ado awood leh…Puntland wax badan ayey ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh, dimoquraadi ah islamarkaana mideysan sidoo kale waxaan taageersanahay qodobadii ka soo baxay shirkii Garowe”, taas soo dhabarjab ku noqotay dhamaan dadkii damaaciga waday oo ugu horeeyo Abdi Hassan Awaale Qaybdiid oo markii heshiiska la saxiixay Idaacadda BBCda ka yiri “Waqooyiga Mudug anaga ayuu nagu fiicnaa in aanu qaadano”

Haddaba, hadallada Madaxwaynaha waxaa ka muuqada in ay iska hor imaanayaan ama is burinayaa, taasna ay keentay in safarkii Ra’iisal Wasaaruha iyo waftigii uu hogaaminayay uu noqday “XAGOLO GEEL GUNTI WAX LA GALIYO KA WAYN”. Sidoo kale war-saxaafaddeedkii hore ee Madaxwaynaha waxaa ka muuqday in aanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhex jira Dowladda Federalka iyo Dowladda Puntland. War-saxaafaddeedkii dambena waxaa ka muuqday soo dhawaynta heshiiskii Garowe, taasoo la macne ah qirashada khilaaf jiray oo la xaliyay. Sidaas darteed xaaladda Madaxweynuhu waa “DAWO QAYBTA YAA KU BARAY”. Haddaba waxaa jiray doodo badan oo sheegayay in Madaxwaynuhu aanu lahayn Lataliyeyaal fiican oo dadka hadda Lataliyeyaasha u ah ay yihiin kuwo duugoobay oo miriray dhow iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.
 

Gunaanad

Xaqiiqdu waxay tahay dunida maanta waxay noqotay “Global Village” oo aan war ku kala seeganayn wixii dunida salkeeda ka dhaca daqiiqado ayay nagu soo gaarayaan meel kasta oo aanu joogo. Haddaba maxaa keeni kara in Madaxwayne wadan dhan isku dayo in uu marin habaabiyo socdaalka Ra’iisal Wasaarihiisa oo doonaya isu soo dhawaynta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan suurtagal ahayn in laysku dayo in la xaqiro bulsho dagta dhulka Soomaaliyeed “SADEX MEELOOD MEEL”. Haddii ay taas dhacdo waxay ka dhigan tahay qof dantiisa ka dhex arka dhibaatada Soomaaliya oo sii daba dheeraata. Qof afkiisa waxa ka soo baxaya iyo uurkiisu is lahayn, macnaheedu waa waa gabaygii Ali Dhuux “WARDIGU HADDUU UURKA KAA JIRO KAAMA ORADDEENE………..ASHAHAADO BEENLOOW MAXAA AAHO KUGU AASAN”

 Name: Sharma’arke Abdijaliil Aden

Email: saadirie@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles