Naafada Gobolka Mudug ee ku nool Magaalada Gaalkacyo waxay Deegaan ahaan u degan yihiin Aqalkii hore ee Gobolka Mudug oo ku yaal bartamaha Magaalad oo ah meel baabasan, ma heystaan Cuno ku filan, biyaha dirqi bay ku helaan, Qalabka naafada sida Ulaha lagu tukubo, Gaariga Curyaanka iyo guud ahaan Qalabka Nolol maalmeedka u sahla Curyaamiinta ma ay haystaan ,qaarkood waxay ku socdaan qalab duqoobay oo daxalaystey, Waxay ku nool yihiin nolol adag run ahaantii.
Gurigaan Naafada ku nool waxay isugu jiraan naafooyin kala duwan, Qaar curyaamiin ah, Qaar dhagoolo ah, Qaar indhoolayaal ah, Qaar lug ama gacan go’antahay, Nooc walba oo naafo ah ayaa Gurigaan ku nool oo isugu jira Rag, Dumar, Caruur iyo Cirooleba.
Jaaliyadaha Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland waxaa la idinka rabaa kaalmo deg deg ah, oo Qalab iyo lacagba isugu jira ee fadlan usoo gargaara Dadkaan dhibaateysan ee aan awoodin awooda aad idinku leedihiin jir ahaan, waa sadaqada saxda ah ee maanta aad la bixi kartaan, ama hadaan dhinac kale u dhigo waa waajib inaad soo caawisaan Dadkaan.
Waxaa xusid mudan iney jiraan Naafo kale oo iyagu ku nool magaalada kuwaasoo maalin walba gurigaan u yimaada iney caawiyaan Walaalohooda kale, Waxaa Guriga ku dhexyaal Iskuul Dadka Dhagoolayaasha ah ee degan guriga Wax lagu baro, waxaana waxbara Dadkale oo dhagoolo ah balse iyagu ku nool magaalada, laakiin saasoo ay tahay hadana goobta Wax lagu baro dadkaan waa barxada guriga ama geed hoostiis, guriga oo ahaa xaruntii hore ee gobolka Mudug oo dayac badan leh, wuxuu laf ahaantiisu u baahan yahay Dayactir xoogan.
Waxaad kala Xiriiri kartaa
Gudiga naafada Gobolka Mudug
SACIID BARE KHALAF
CABDULQAADIR CABDI DAAHIR
TLF. +252907785213
Waana Walaalaha had iyo jeer ka warqaba Dadkaan naafada ah una taagan kaalmeyntooda.
Jaaliyadaha Puntland waxaan Puntlandi ahaan faraynaa idaan ugargaartaan Naafadaan u baahan kaalmadiina si deg deg ah.
wixii faahfaahin ah waad nagala soo xiriiri kartaan Emailadaan post@puntlandi.com ama Gaalkacyo@puntlandi.com