Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Munaasibadda Tartan aqooneedka ee Xaafaddaha Garowe oo maanta la qabtey‏

$
0
0

Hoolka Jaamacada bariga africa qaybteeda magalada Garowe ayaa lagu soo gabo-gabeeyay Tartanka kadis oo bishii Ramadaan ka socday idaacada Radiogarowe,kaasoo ay ku tartamayeen sideeda xaafadood ee magalada Garowe.
Masuuliyiin ka socda Dowlada Puntland,aqoon yahano,madaxda Jaamacada Bariga Africa Garowe,mamulka Gobalka Nugaal,kan Garowe,mulkiilaha Radiogarowe iyo dadwayne farobadan ayaa kasoo qayn galay ,waxana labada xaafadood oo tartanka iskugu soo horay oo kala ah Wadajir iyo Hodan Garowe ay ku tartameen 12-su’aalood oo iskugu jira diidi iyo aqoon-ba.
Xaafadda Wadajir ayaa ugu danbayntii ku guulaystay Tartanka Kadis,waxana su’aaladaha soo diyaariyay guddiga ardayda jaamacada Barica Africa oo sanad kasta ka qayb gala tartankan.
Agaasimaha Radiogarowe Mudane Axmad Cawil Jaamac oo goobta khudbad kasoo jeediyay ayaa sheegay muhiimada ugu wayn oo ay tartankan u qabteen ay tahay sidii dhalinyarada magalada Garowe ay isku dhex gali lahaayeen,isla markasna ay iskugu faa’iidayn lahaayeen aqoonta iyo daruuska ay jaamacadaha iyo iskuulada kasoo barteen.
Gudoomiyaha guddiga ardayda Jaamacada bariga Africa Garowe Mahad Axmad Cumar oo hadal kooban soo jeediyay ayaa mahad ballaaran usoo jeediyay xaafadaa tartankan ka qayb galay iyo masuuliyada ay muujiyeen inta u socday,wuxuna ballan qaaday inay sii xoojin doonan tartamada noocan oo kale ayna soo daabici doonan su’aalaha iyo jawaabaha tartamayaasha dhex maray.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa boggaadin u diray labadii xaafood ee tartanku dhex maray,wuxuna sheegay arrintaani inay tahay muhiim ayna ku jirto faa’iidooyin badan oo u baahan in la isku taxalujiyo.
Hoolka Tartanka lagu qabtay oo ah mid aad u wayn ayuu ku sheegay inuu yahay mid u furan bulshada qaybaheeda kala duwan ayna ugu faa’iidaysan karaan waxyaabaha horumarka iyo shirarka ku saabsan.
Kulliyadaha Jaamacada laga helo ayuu sheegay inay gaarayaan 8-qaybood,wuxuna sheegay Shiikh Maxamuud Xaaji inay masuuliyad gaar ah iska saareen soo saarista arday tayo iyo aqoon ahaan dhisan.
Duqa Caasumadda Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi oo tartanka inta uu socday kaalin muuqata ka qaatay ayaa hambalyo u diray xaafada Wadajir oo hana tay koobka tartanka Kadis,wuxuna sheegay in lagu tartamo aqoonta inay fursad u tahay mustaqbalka dhalinyarada soo kacaysa.
Mamulka iyo shaqalaha Radiogarowe ayuu ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan,taasoo ay ka mid tahay qabashada bisha barakaysan Tartan aqooneedkan kadis.
Taliyaha qaybta booliska Gobalka Nugaal Cabdiraxaman Xaaji Abshir oo isna madasha ka hadlay ayaa dhalinyarada xaafadaha magalada Garoowe ugu baaqahy inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si gacanta loogu dhigo kooxaha qaswadayaasa ah ee Puntland ku sugan,sidoo kale dhalinta ayuu uga digay tahriibta oo sanooyinkii ugu danbeeyay kusoo badanaysay dalkeena Somalia.
‘’Anigoo wakiil ka ah wasaradda ammaanka iyo booliska waxan dhalinyarada uga wacyi galinayaa inay ka waan toobaan socdaalka tahriibta oo saamayn dhaqaale iyo ammaanka ku yeeshay deegaanada Puntland,ma joojin doono howlgalada looga hortagayo falalka amaanka iyo tahriibta ku saabsan’’.Taliye Qaaqaan.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ‘”Qarjab’’ ayaa si kulul uga digay falalka tahriibta oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay xasilooni la’aanta dalka ka jira,wuxuna dhalinyarada ku mashquulsan iyo kuwo kale ee wali ku dhibaataysan inta u dhaxaysa Itoobiya iyo Talyaaniga ugu baaqay inay dalkooda aaminaan isla markasna dhulkooda ka shaqaystaan.
Qarjab ayaa hoosta ka xariiqay inay tilaabo sharci ah ka qaadi doonan gaadiidka ku shaqaysta qaadista dhalinyarada tahriibta ah ,kuwaasoo uu ku tilmaamay inayn qayb ka tahay fududaynta safarkaasi silica badan.
Cabdinuur Gaadayare oo ah madaxa suuq gaynta Shirkada Golis ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin qabashada tartankan,wuxuna sheegay ka shirkad ahaan inay mar kasta garab taagan yihiin tartamada kor loogu soo qaadayo himilada iyo garaadka Ardayda Puntland.
Wasiirka wafaafinta Dowlada Puntland Prof.Axmad Shiikh Jaamac oo xafladas oo xidhay ayaa bogaaddin iyo mahad naq usoo jeediyay Radio Garoowe iyo dhamaan shirkadihihii ka qayb galay tartanka,wuxuna ku tilmaamay tartankan mid dhabada usii xaaraya ka wada shaqaynta kobaca aqoonta iyo garaadka dhalinyarada reer Puntland.
Xaafadda Wadajir oo kaalinta kowaad gashay ayaa la gudoon siiyay 10-Milyan oo Shillinka Somaliga ah iyo lix gaari gacan iyo lix badaal oo loogu talo galay nafaadda, Idaacadda Radio Garoowe ayaa sanad walba tartanka aqoonta loogu tartamayo qabata waxay sidoo kele ay qayb ka qaadata guud ahaan barnaamijyada ku saabsan horumarinta bulshada.

Sawirada hoos ka daawo



Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles