Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog hoose–Mid ka mid ah Ergadii DF ee Heshiiskii Garowe oo yiri “Gobolada dhexe waxay heystaan hal Gobol iyo Bar, waa iney helaan Gobollo kale si loo wafajiyi Dastuurka

$
0
0

Mid ka mid ah Ergada Dowlada Federaalka Soomaaliya u matalayay Wadahadaladii Garowe lagusoo gunaanadey shalay oo aanaan magiciisa soo gudbineyn ayaa mid ka mid ah Howlwadeenada Puntlandi wax ugu sheegey Qodobada lagu heshiiyey iyo Qorshaha Gobolada dhexe loogu sameynayo Maamulka sidii loo waafajin lahaa Dastuurka.

Qodobka 1.3 ee heshiiskii ay 14.okt.2014 wada Gaareen Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka ayaa wuxuu Qeexayaa in Gobolada dhexe ay ilaa hada heystaan Hal Gobol iyo Bar oo ah Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ama deegaan hada loo yaqaan Galmudug.

Hadaba Xubinta ka mid ahayd Ergadii Dowlada FederAlka u matalaysey Wada hafalkii Garowe ayaan si toosa u waydiiney sida Gobolada dhexe ku noqon karaan Maamul Goboleed hadey hada heystaan Hal Gobol iyo Bar, wuxuu yiri sidaan

“Waa sax Waxaa heshiiska Garowe ka mid ahaa in Maamul Goboleedyada dhismaya ay buuxiyaan sharuudaha Dastuuriga ah, Gobolada dhexe haday noqonayaan Maamul Goboleed waa in la balaariyaa oo Gobolo kale ay helaan, Waxaan filayaa howshaas waxay u taal ergooyinka wada howsha iyo Dowlada Federaalka oo howshaan wax ka wadey, waxaan hada cadeyney Gobolka Mudug Deegaan ahaan inta raacaysa Goboladaas dhexe, waana Gobol barkii.”

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles