Jaaliyada Puntland ee Magaalada Aarhus Dalka Denmark oo ah jaaliyada ugu balaaran ee Denmark ayaa kulan ay Xalay 10 okt.2014 isugu yimaadeen waxay kaga tashadeen aayaha jaaliyada iyo sidii loo mideyn lahaa Jaaliyada guud ahaan si si wada jir ah ay isugu tiirsanaadaan Wax walba oo yimaada.
Jaaliyada ayaa kulankaas waxay ku doorteen Gudi ka kooban 11 Xubnood kuwasoo ah shaqsiyaad karaamo iyo ixtiraam ku dhex leh jaaliyada dhexdeeda lana aamin san yahay iney ka soo bixi karaan shaqada loo igmaday.
Jaaliayada ayaa ah jaaliyad had iyo jeer kaalin muuqata ka qaadata horumarka Dalka, marka loo eego magaalooyinka kale ee Denmark waa jaaliyada ugu horeysa ee ka jawaabta hadii Qaylo dhaan guud ay ka soo yeerto dalkii.
Tusaale Jaaliyadu waxay ahayd Jaaliyadii ugu horeysey ee ka jawaabtay Qayla dhaantii Duufaantii ku dhufatay Puntland sanadkii hore, waxayna direen ku dhowaad 20 kun oo Dollar oo deg deg loo direy, bil ka hor hada waxay direen lacagtii looga soo dalbadey dhismaha Buundada Garowe.
Kulankii xalay waxaa la isku raacay in la diiwaan galiyo guud ahaan xubnaha Jaaliyada Puntland ee Magaalooyinka Aarhus iyo nawaaxigeeda.