Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Puntland … “Yaa Nala Mooday, Xilligee la joogaa??!!”

$
0
0

Intaad dunida ku nooshahay maalinba wax kaa yaabiya ayaa ku soo mara. Maalinba waa waa waqtigeedee, maanta waxaan la yaabay DFKM ah ayaa mucaawino u gudbisay Puntland. Keligeey maahee ummaddii oo dhan baa yaabtay, mid yar & mid weyn cid aan hadal heyn Markabkii raashinka waday ee Puntland loo soo diray ma leh.

Maxaa dadkan ka yaabiyay? Ma raashin beysan Puntland hore u arag? Ma markab dekedda Boosaaso kusoo xirta ayaa kani ugu horreeyay? Ma hore ayay Puntland mucaawino loo soo diray u diiday? Ma dadka reer Puntland ayaa baahi laga soo soo wariyay? Ma meelo Puntland ka liita oo mucaawino u baahan ayaan soomaaliya ka jirin? Maxaa xilligan ku soo aadiyay? Ma Puntland ayaa xiriirkii kala dhaxeeyay DFKM ah dib u soo celisay? Mise wax kalaa jiroo, Markabku SUN buu xambaarsanaa?

Wey iska caddahay in markabkani SUN xambaarsanaa! Ha dagdagin  SUN-tu ma aha tan keliya ee aad taqaan. Wey noocyo badan tahay, mid raashinka ayaa laga helaa, mid xayawaanka ayaa laga helaa, mid ciidda ayaa laga helaa, mid dhirta ayaa bixisa, mid bii’ada ayaa dhalisa, mid hawada ayaa keenta, sidaa oo kale waxaa jira mid bani’aadamku abuuro.

Inta aanan ujeedada qoraalkan u gudbin, marka hore aan u mahad celiyo, madaxda xukuumadda Puntland oo runtii go’aan caqliga u saaxiib ah ka qaatay markabkii raashinka u waday Puntland.

Sunta aan maanta ka hadlayaa waa tan bani’aadamku abuuro. Suntan Soomaalida ayaa aad u isticmaasha. Ma aha mid aad si sahal ah ku garan karto waana dhowr nooc. Waa Lacag, waa qabyaalad (labada ugu khatarsan), waa raashin, waa dhar, waa hadal iwm.

Wax yar aan dib idiin cesho, waan filayaa in dhegihiinu weli ka qoyan yihiin baabuurtii raashin sidday oo waddada Marka (shabeelada hoose) aadda lagu qabtay. Raashin lama qabtee suntii ku aasneyd raashinka dhexdiisa ee hubka wax gumaada ah ee laga soo qufay cid waliba waa ogeyd. Haddaan raashinkaa la qaban imisaa ku sumoobi laheyd (lagu dili lahaa)? Haddii wixii aad anfac ahaan u soo dhaweysato uu naftaada haligayo sow SUN maaha?

Waa laga yaabaa in aad weli xusuusan tihiin wixii Kismaayo (Jubbada hoose) ka dhacay bilo ka hor. Rumeyso ama ha rumeysan sun doqoni magarato ah ayaa Kismaayo lagu daadshay. Waxay suntaa iska horkeentay ciidamadii halka ujeeddo & hadaf lahaa, waxay isku diray beelihii maamulkaa wada dhistay. SUN-tii bani’aadamku abuuray ee lacagta, dharka & raashinka isugu jirtay waa taa boqolaalka qof ku galaafatay Jubbaland.

Wixii aan goob joogga u ahaa ayaa cashar iigu filan!.

Aan idinla wadaago qiso cajiib ah oo Puntland ka dhacday bilowgii 90-meeyadii, waqtigaa oo Puntland loo yaqaanay gobolada Woqooyi Bari. Waqtigaa Puntland (Woqooyi bari) waxay ku jirtay xaalad dagaal oo aad u xun. Magaalada Gaalkacyo oo ah irridda Puntland laga soo galo, waxay aheyd furin ciidamadu cadawga ka waardiyeeynayeen. Shacabku wuxuu aad ugu mashquulsanaa sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen. Silsilado weerar ah ayaa Gaalkacyo ku socday. Maalin markaad joogtoba xabbaddu waa bilaabaneysay. Haddana dhinaca kale markaad eegto dad baa shaqo maalmeedkooda iska watay, baabuurta ka ganacsata raashinka & xoolaha shaqadooda ganacsi ayay wateen.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa qeylo yeertay, madoonayo in aan qisadaa dheer sii galee waan idin soo koobayaa. Nin oday ah oo waayo-arag ah, runtiina aan maanta ku tilmaami lahaa HALYEEY QARAN ayaa hadal kooban jeediyay. Wuxuu dadka u sheegay in dagaalka & weerarka Gaalkacyo ka socda maalin walba, hubka & saanadda lagu soo weeraro ay waddada dheer ee Puntland dhex marto. Waa la qaadan waayay! Fajiciso ayay ummaddii ku nqotay, macquul ma tahay ayay dadkii ku waasheen. Waxaa amar lagu bixiyay in baaburta xamuulka sidda oo dhan la baaro. Bar koontarool ayaa laga sameeyay Burtinle agteeda. Mise! Maxaa taayaro ah!, Maxaa shidaal saaran!, Maxaa batari baabuur raashinka hoostiisa dhex qotoma! Qalabka kale ee weerarada Gaalkacyo loo soo adeegsan jiray warkooda daa, xitaa qalabka kuwa Taangiyadu ka mid yihiin waa la sheegay.

Waxaa lagu taliyay in baabuurtan & waxa saaran xerada 54-aad lagu xareeyo,  Yaa baabuurta leh? Yaa qalabka saaran leh? Yaa qabbaan ka ahaa? Xaggee ka soo dagaan xaggeese maraan? Xaggee lagu burburinayaa? Jawaabaha su’aalahaa dhammaantood waxay noqdeen Puntland (Woqooyi-bari).

Dadka reer Puntland oo isaga dhashay SULUXA waxay ku taliyeen in alaabadan dadka leh laga iibsado, baabuurtana la fasaxo. Inkastoo sharcigaa meel aan Puntland aheyn ka jiri kareen, oo dhamaan baaburtaa & waxa saaran lala wareegi lahaa meelaha qaar, kuwii wadayna ay xukumo adag ku muteysan lahaayeen! Ma u maleyneysaan in weerar dambe oo Gaalkacyo lagu soo qaadaa uusan dhicin maalmahaa wixii ka dambeeyay ama uu hoos u dhacay 90%.

Waxaan maanta ku faraxsanahay in Alle na siiyay dad garan kara cadaawadda laga soo maleegayo meelaha ka baxsan Puntland. Waxaan dareemayaa in hadalkii Madaxweyne Faroole ee ahaa “Yaa nala mooday! Xaggeen joognaa! Xilligeese mareynaa! “ uu dhab yahay. Waan aaminsanahay in Dowladda Puntland ee hadda jirtaa wax badan ka duwan tahay kuwii hore, marka ay noqoto arrimahan oo kale.

Waxaanse ku soo gabagabeynayaa, dowladda Puntland & dadkeeduba maalin walba Sulux yeysan ku jirin, sharcigu ha shaqeeyo, wixii dhibaato kuu keenaya waa in sida sharcigu qabo looga hor tago. Mar haddii wada-tasho la’aan Markab la isaga soo diray iyadoo weli ay taagan tahay kalsooni kala noqoshadii DFKM ah! Mar haddii uu abuurmay shaki ku saabsan ujeedada laga leeyahay Markabkan & cunada saaran. Waxay aheyd in aan la iska sii deyne, la baaro, haddii ay ku caddaato sida loo fahmay-na sharciga la mariyo. Haddii kale Puntland waxay noqoneysaa waddo halaqyo mareen ah, tijaabooyin kale-na la idinku dayi doono.

Shacabkana waxaan kula talin lahaa, waxa dowladdu ku saxan tahay halagu taageero. Tanoo kale waa tii dowladda lagu ammaani lahaa, mar haddii masiibo lagula damacsanaa Alle ka sokoow dowladdaadu kaa badbaadisay. Dhinaca kalena waxay cashar u tahay kuwa u heysta in dadka & dalka Puntland si sahal ah khalkhal lagu gelin karo. Ogaadana cadaawaddu mar walba way jireysaa, weyna sii soconeysaa…..

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Melbourne, Australia

Bile1971@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles