Marka hore dadweynaha Soomaaliyeed meel walba aoo y ka joogaan dacalada aduunka waxaan ugu hambalyeeneynaa gudashada bisha cibaadada ee Ramadaan iyo Ciidul Fidriga intaba.
Arar
Intii mudo ah waxaan u kuur galnay xaalda Soomaaliya ay mareyso iyo siyaasada jahawareersan ee dowladda uu hormuud ka yahay Madaxweyne Hassan Maxamuud Culusow Guurguurte. Waxaan isku daynay in aanu aragtida bayaankan xamabaarsanyahay ka dhigno mid faahfaahsan oo aan mugdi ku jirin, si aan loo majara habaabin danaha loo hayo shacabka Soomaaliyeed. Waana arin xil naga saaran yahay una istaagnay in aanu buuxino muddo dhowr sano hadda laga joogo, si uusan Madaxweyne kali talis ah iyo wasiir aduun doon ah iyo siyaasi dano gaar ah leh qalinka ku duugin masiirka Umadda Soomaaliyeed.
Walaalayaal hadii la doonaayo in wax la saxo, siyaasada dawladan in sida ay tahay in loo qeexo waa lagama maarmaan. Tubta toosan-na cagta la saaro wadadii lagu gaari lahaa dowlad buuxisa himiladda umadda Soomalyeed.
Soomaaliya
waxay mareysaa marxalad aad u halis ah oo kala guur ah. Waxaa qarka loo saaran yahay burbur baahsan oo qofkasta saameyn ku yeelan doona hadaan la is daba-qabanin. Waxaa si xowli ah u socda hurinta colaada sokeeye, burburinta hab maamuleedka dowladeed ay Soomaali ku heeshiisay iyo boob baahsan oo lagu hayo hantidii qaran ee taalay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, kadib markii dowladu ay ku hungowday dagaalada ay ka hurisay Kismaayo, waxaa soo ifbaxaya halganka dadka deegaanada Shabeelada Hoose iyo qowmiyada Shiidlaha oo iska leh 50% dagaanka Shabeelada Dhexe. Dadkaas oo ka dhiidhiyay dulmigii iyo dhul boobkii lagu hayey 22 sano ee ugu dambeeyay, waxayna dadkani go’aansadeen in aan kor looga keenin cidii hogaamineysa.
Waxay dantu kaliftay ciidamadii laga soo abaabulay gobolada dhexe in ay dib uga huleelaan deeganada Shabeelada Hoose, marka laga reebo bililaqeysatada beeraha oo maanta shacab ah. Dhibkii iyo isbaaradii lala soo guuray ayaa maanta Xamar dhex taala. Waxay dantu ku jirtaa in horey Xamar looga guuro oo lagu noqdo gobolada dhexe, si aysan labo rar ugu noqon dadka la soo raray. Soomaalina dhib iyo barasho intaas ugu filan.
Su’aasho waxay tahay yaa ka ma’suul ah. Yeyna dani ugu jirtaa.
Qoraalo badan ayaan ka soo saarnay siyaasadaha guracan ee dowladan. Wadanka maanta waxaa suurtagal ah in lagu kala tago waxii la dhihi jiray dawlad Soomaaliyeed oo mideysan. Waa waxii dhiig badan loo daadiyay naf badan-na loo huray, waa hamigii aabayaasheen laga dhaxlay waxuu maanta Madaxweyne Hassan Culusow ku ciyaaraayo.
Sidaas darteed waa arin waajib ku ah oo qofkasta damiir leh in dawladan la iska qabto iyo dhibaatada ina soo food saartay. Islamarkaasna la iftiimiyo wadada ku haboon in looga baxi karo dhibaatada maanta taagan.
Sidaas daraadeed
Waxaan si buuxda u taageereynaa go’aanka wax badan la sugaayey ee dawlada Puntland ay ku joojisay wada shaqayntii DFS waayo waxay dawlada Xasan Shiikh baalmartay ku dhaqanka dawladnimadii iyo dastuurkii lagu heshiiyay. Waxaan sidoo kale taageyreynaa go’aanka dowlada Jubaland ay ku joojisay wada hadalka micno darada ah ay ku mashquulineysay dawlada dhexe.
Waxaanu cambaaraynaynaa sharikadaha is leh Soomaali ka dhex kaluumeysta intey is hayaan, ama qalinka ku duuga heshiisyo aanan la heyn meel ay ka shaqeynayaan laguna muransan yahay sharicinimadooda. Waxaanu leenahay Soomaali wax way wada leedahay weyna kala leedahay. Waa wax laga xumaado in shirkad jirta labo todobaad kaliya ay heshiis intaas la eg lala galo, Laguna raadiyo taageero siyaasadeed, si ay ugu hirgasho siyaasadiisa heyb sooca ah, ee uu Madaxweynahu meel marin la’yahay.
Waxaanu tusaaleyneynaa beesha caalamka iyo dawladaha daneeya Soomaaliya inay dib uga fiirsadaan sii taageerista dawladan fashilka dhex taagan aanan wax garowshiya ah laga sugeynin. Waxaanu leenahay Soomaali dhaqan soo jireen ah ayey leedahay, mujtamaca Soomaalyeedi wax aanan ka soconeynin yaan lagu daalin laguna maaweelin.
Hadaba
Soo jeedinta aan kor ku xusnay waa aragtida aanu is leenahay Soomaali oo dhan ayay dani ugu jirtaa, kan saxsan iyo kan habowbsan intuba kana fog wax caadifad ah iyo nin jecleysi. Dowlada hadda jirta sidey ay u curatay waxey ka shaqeysay
1. iska horkeenida umada Soomaaliyeed ayadoo ka shaqeyneysa;
2. In ay ka soo horjeesato maamul goboleedyo awood leh inuu wadanka ka hirgalaan iyo kuwa hada jira ay ku furto khalkhal siyaasadeed;
3. Inaysan dadku si xor ah iska dhex dooran dadkii matali lahaa;
4. In barlamaan shaqeeya oo la xisaabtama dowladda uusan jirin.
Sidaasi daraadeed waxay dantu ku jirtaa in dawladu ogaato hadii la heshiin waayo in lakal tashan karo. Iyo inay cid ay mataleyso aysan jirin marka laga reebo gobolka Banaadir iyo agagaarkiisa. Dantu waxay ku jirtaa in la dareensiiyo dawladan inay ku taagan tahay soo nooleynta siyaasadihii qabyaalada ee 1990s.
Ugu danbayntii, ururka Sahal ummadda Soomaaliyeed ee nabada jecel waxuu ugu baaqayaa inay in laga hortago in dawlada Xasan Shiikh ay wadanka ku celiso waqtiyadii qabqableyaasha dagaalka iyo mugdiga dagaalada sokeeye.