Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xafladdii Soo Dhawaynta Cumar C/qadir Baarajab Ee Aarhus-Denmark(Sawiro)

$
0
0

Waxaa magaalada labaad Aarhus ee Denmark lagu qabtay xaflad soo dhawayn ah oo lagu maamuusay laguna sharfay Tababaraha xulka kubada kolayga Soomaliya Cumar Cabdiqadir Baarajab, islamarkaana ah xubin olompikada Gos, Xafladaan ayaa waxaa soo abaabulay jaaliyada Soomaliyeed ee Arhus, iyadoo xaflada ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyada. Mudo ayay jaaliyada Aarhus isku dayday in ay la xiriirto qof mas’uul sare ka ah sportiga Soomaliya taasina amanta ayay suurowday oo ay taariikhdu ahayd 02/09/2014.

Sida uu usheegay Puntlandi.com C/malik M. Faarax Gaas oo isagu xiriiriye iyo howl wadeen ka ahaa xaflada lagu soo dhawaynayay Cumar baarajab in ay ahayd fursad midaysay umada Soomaliyeed gaar ahaan bahda Sportiga, waxaa kaloo uu raacshay in ay ahayd fursad fure u ah in umada ay haysato wax badan oo ay ka wada hadli karto. Oo ay wada jecelyihiin.

Meesha ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan gaar ahaan ciyaartoydii Soomaliya, oo uu ugu weyn yahay Ciise xasan Ciise dheere, C/qadir Biine, C/qadir Warsame ilkacase, C/lahi Baynax. Waxaa kaloo meesha ka hadlay oo Maxamed xarakow, Bare fiidow.

Xafladaan ayaa ahay tii kowwaad oo nooceeda oo kale ah, iyadoo magaalada ay caan ku tahay in lagu qabto xaflado siyaasadeed ayay tani waxay u furtay bog cusub.

Waxaa ay jaaliyada siiyeen warbixin foiican Cumar barajab. Ugu danbayntii ayuu Cumar loogu yeeray in uu yiraahdo kalmadiisa kaga aadnayd xaflada isagoo markaas aaad ugu dheeraada taariikhda sportiga, meesha hada la joogo iyo si larabo in mustaqbalka wax looga qabto. Waxaa uu ugu danbayntii kula dar daarmay dadkii xaflada joogay in ay xooga saaraan in ay kobciyaan sportiga soomaliya waana wadad kaliya ee isdhexgalka iyo astaanta qaran lagu helo.

Jaaliyada ayaa siisay hadiyado waxaana xaflada ay ku soo dhamaatay jawi qurxoon oo farxad badan ay ka muuqato. Ugu danbaytii ayaa xaflada lagu soo bandhigay majaajilo iyo heeso lagu soo dhawaynayo Cumar Baarajab.

Puntlandi.com

abdulmalik and barajab

abdulmalik iyo omar barajab

abdulmalik

biine

dadka xaflada

fadumo iyo omar barajab

kulanki barajab

SAM_0830

SAM_0836

SAM_0838

SAM_0840

SAM_0846

SAM_0847

SAM_0849

SAM_0862

SAM_0867

SAM_0869

SAM_0874


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles