Garowe 19 Ogoosto 2014–Pi– Warar Dublamaasiyadeed oo howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ay Xafiis rasmi ah ka furan doonaan Hargeysa.
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Ambasador Nickolos Kay oo hada booqasho ku jooga Hargeysa ayaa hargeysa u jooga furitaanka Xafiiska UNSOM ee Hargeysa.
Amb. Kay wuxuu maanta oo talaado ah la kulmayaa Madaxweynaha Maamulka Soomaalind.
Maamulka Hargeysa ayaa bishii juun sanadkii hore waxay diideen in UNSOM Xafiis ka furtaan Hargeysa iyagoo xiligaas ku andacoonayay ineysan iyagu qayb ka ahayn Soomaaliya,isla markaasna ay yihiin Dal Soomaaliya la darisa sidaas awgeed UNSOM ay ku shaqo leeyihiin oo qura Soomaaæiya.
Wararka Puntlandi heleen waxay sheegayaan in Furitaanka Xafiiska UNSOM ee Hargeysa oo dhowaan la hirgalin doono uu yimid ka dkb markii Maamulka Hargeysa ay ka noqdeen Mowqifkii ay ku diidanaayeen In Nickolos Kay uu xafiis la mid ah kuwa Garowe iyo Muqdisho uu ka furo Hargeysa.
Puntlandi
Garowe