Iyadoo uu horey u horyaalay Golaha Wasiirada Codsi ku saabsan in Magaalada Saaxo ee Gobolka Mudug ay noqoto Degmo buuxda ayaa maanta oo khamiisa 14 Ogoosto waxay Golaha Wasiirada Puntland aqbaleen in Saaxo ay noqoto Degmo buuxda.
Degmada Saaxo waxay u dhowdahay Magaalada Bandiiradley, waxayna 70 KM dhinaca Koonfureed ka xigtaa Gaalkacyo
Warsaxaafadeed ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada Puntland ay maanta ku yeesheen Madaxtooyada ayaa u qoraa sidaan hoose
- Waxay golaha xukuumadda Dawladda Puntland maanta si buuxda u ansixiyeen degmada “Saaxo oo ka mid noqotay degmooyinka gobolka mudug, isla markaana ah degmadii shanaad ee gobolka mudug , waxayna 70-km dhanka koonfur kaga beegantahay caasimadda gobolka mudug ee Gaalkacyo, laga bilaabo 14/08/2014 deegaanka Saaxo iyo dadka ku nool, waxay si buuxda uga mid yihiin “dhul iyo dadba” deegaamada ay ka taliso Dawladda Puntland
Degmada Saaxo waxay saami u heleysaa guud ahaan saamiyada horumarineed ee Degmooyinka Puntland helaan, waxaana Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Puntland ay dhowaan guda galaysaa dhismaha Golaha deegaanka ee Degmadaan cusub.
Puntlandi.com
Gaalkacyo