Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM)
WAR SAXAAFADEED 39/2014
Muqdisho, 13 Agosto 2014 – Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.
Booqashada shan iyo tobanka xubnood ee Golaha waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria. Inta ay booqashada ku joogeen dalka, xubnaha Golahu waxay la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka, hogaamiyeyaasha Maamulka Jubba ee Kumeelgaarka ah iyo Galmudug, Axmed Islaan Madoobe iyo Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa sidoo kale ay wadahadal la yeesheen madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka.
Booqashadu waxay imanaysaa waqti aad ugu muhim ugu ah Soomaaliya iyadoo dalku isu diyaarinaya marxaladda labaad ee hawlgalka militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxna ka qabanaya xaaladda baniaadanimo ee sii xumaanaysa, horeyna u sii wadaya dib u habeyn siyaasadeed si la isugu afgarto nidaam maamul oo federaal ah.
Hadal uu ka jeediyay Garoonka Dayuuradaha ee Caalamagiga ee Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), Danjire Mark Lyall-Grant, wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan fursadan u helnay