26ka Juun iyo I da July waa maalmo ku xardhan quluubta dadka Soomaalida ah waa maalmo laga wada xuso dhamaan geyiga Soomaaliyeed iyadoo ay maalmahaani salka ku hayaan xoriyad qaadashada Soomaalida.
Hadaba ilaaheey ha u naxariisto dhamaan halgamayaashii usoo halgamay naftoodana u huray xornimada Soomaaliyeed waxaase isweydiin mudan haday maanta ogyihiin meesha xaaladu marayso tolloow maxay dareemi lahaayeen.
Xornimadii ay usoo dhinteen ma haysanaa , aan wax is weydiinee horta xor manahay , waase maxay xornimo, hadiise aadan waxa kuu daran diidi Karin kana hadli Karin ma xornimaa ?
Aan usoo dhaadhaco ujeedada qoraalkaan gaaban oo caradu iga keentay, nin Kenya u dhashay oo u dooda difaacana ganacsiga qaadka ayaa ila soo xariiray isagoo ku goodinatya, if you think you are hero you are not your people in Somalia will pay the price ula jeedada uu fariintaan iigu soo diray waxay ahayd wuxuu ka xanaaqsana qaadka laga joojiyey UK, oo ay miisaaniyad badan Kenya ku weyday asagoo halkaas ka duulaya ayuu ninkaas iyo qaar kaloo badan oo Kenya u dhashay ku goodiyeen qaadka waxaan ku kordhin doonaa Soomaaliya, qiimahana waan jebin doonaa, ilaa caruurtana waan ka gadi doonaa, cid JU oran kartana majirto waa sida uu hadalka u dhigay ninka sheegta darejadaan Afhayeenka Qaadleeyda Kenya A spokesperson for the traders in Kenya, Kimathi Munjuri.
Hadaba walaayaal aan wax is weydiinee hadii aanaan awood u lahayn inaan xakamayno suntan lagu laynayo laguna baabinayo dhalinyarada Soomaaliyeed Xor manahay horta ?
Hadii aysan madaxweynayeesheena tirade badan qeyr alaha siiyee aysan oran Karin dhibaatadan xal haloo raadiyo Xor manahay Walaalayaal.
Hadii in ka badan Miisaaniyada dowladaha tirade badan ee Soomaaliyeed lasiiyo Kenya iyo Ethiopia iyadoo nalooku badalayo Sun, cid ka doodi kartaana aysan jirin Xor manahay walaalayaal.
Hadii Maalkeenii la gurtay , Maskaxdeeniina la weerarayoo aan wada Marqaansanahay Xor manahay walaalayaal ?
Soomaaliyeey Gillgillo oo diid gumeeysiga casrigaa oo lagu guranayo maalkeena laguna burburinayo maskaxdeena, hadii aydaan MAYA oran karina ogaada waa nooc kamida gumeeysiga.
Abukar Awale Qaad-Diid.