Waxaa magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia lagu qabtay doorashada hoggaanka jaaliyadda Soomaalida ee wadankaas , waxaana gudoomiye cusub loogu doortey C.qaadir Dooy oo ka mid ah Ardeyda Somalida ee Malaysia wax ka barata gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland.
Munaasabad balaaran oo lagu qabtey magaalada Kuala Lumpur 28 June 2014 ayaa waxa kasoo qeyb galay madaxda safaarada Somalida Malaysia, Gudoomiyayaashii horre ee Jaaliyada Somalida Malaysia, Boqolaal qof oo ka mid ah Jaaliyada wadankaas ku nool ee Ardey iyo Qeybo kale isugu jira una codeynayey musharaxiinta u tartamayay Gudoomiyaha Jaaliyada.
Todobaadkii horre oo la iclaamiyey Doorashada xilli ay qabsoomayso iyo Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaysa xilka guud ee Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa waxa buuxiyey shuruudahaas hal musharax oo markii danbe si rasmiya loogu doortey Gudoomiyaha Jaaliyada.
Kadib waxaa la guda galay doorashadii waxaana musharax Cabdiqaadir Dooy u codeeyey dhammaan kasoo qayb galayaashii codbixinta, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, waxaana si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Shiikh Zakariye.
Waxaa intaa kadib khudbad mahad celin iyo gudoon ah loogu yeeray Gudoomiyaha cusub ee jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia Mudane Cabdiqaadir Dooy, wuxuuna u mahad celiyey dhamaan kasoo qeyb galayaasha munaasabada.
Sidoo kale waxa ka hambalyeeyey qaabka doorashada gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Malaysia Gudoomiyihii hore ee Jaaliyadda Shiikh Maxamuud Shariif, Dr. Muuse oo horay usoo noqday gudoomiyaha Jaaliyadda, Dr. Xoogsade oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee Jaaliyadda, Maamo Aamino kamida hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia iyo Xubno ka socday Dowlada Federalka Somalia oo ka mid ahaa kasoo qeyb galayaasha Munaasabada.
Isku soo wada duuboo munaasabadii doorashada ee hogaanka jaaliyadda ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u qurux badan.