Garowe–8 Ogoosto, 2013–Pi— Madaxweyne Faroole wuxuu khudbdiisa kaga hadley Qodobo dhowra oo ay u horeyso doorashada Puntland ee fooda inakusoo heysa, Madaxweynuhu wuxuu sheegey kuna booriyey Isimada iyo Oodyaasha Puntlan iney soo xulaan Baarlamaan Xalaal ah, Dr. faroole wuxuu yiri “Waxaan ku boorinayaa nidaamkaan aan hada ku noqoney Masuuliyadiisa idinkuu idinku Wareegey, Dadka hada maanta doonaya iney noqdaan xildhibaanada Waxaa ku dhex jira Dad Qaswadaasha Soomaaliya maanta dhibka ka wada oo kusoo dhexdhuumanaya, waxaan ku boorinayaa Odoyaasha iney soo xulaan Dad muwaadin ah oo waxku kordhin kara Bulshada”.
Madaxweyne Faroole isagoo sii wada khudbada wuxuu Yiri “Tan kale waxaa weeyey inaga(Shacabka Puntland) kuma aynu joogno halkaan< Cid kale oo amaankeena sugaysa,Ciidamo shisheeye, Amisom iyo kuwakale oo meelo kale laga keeney, Waxaynu ku joognaa isku duubnideena iyo Amaankeena oo aynu kawada shaqaynayno, Shacab iyo Dowladba iyo Ciidamadeena kheysr alla ha siiyee heeganka u ah iney Dalkooda difaacaan, Cadowgana ka daafacaan, amaankana sugaan, “.
Dr. Faroole wuxuu kaloo yiri “Laakiin waa la inaku dhexjiraa meelkasta halasoo maree, shufto ayaa jirta doonaeysa iney Dalkaan burburiso, amaankiisa waxyeesho, Waxaad ogtihiin oo aan horey u sheegey in inaga iyo Dowladii Federaalka ahayd ee aan dooneyney iney dhibkii lasoo maray ka saaraan Soomaali ay wadadii saxda ahayd ka leexatay, wada shaqaynteenuna waxay ahayd Xeerkii lagu heshiiyey, hadii kaas ay meesha ka saareen ayna ka leexdeen Waxaan anaguna joojiney Xiriirkii iyo Wadashaqayntii aan la lahayn, Iyagu horeyba u joojiyeen markay Dastuurkii ku Ciyaareen lakiin hadana waxaa jirey dadaalo badan oo Beesha caalamku wadaan , waxaan Beesha Caalamka laftigooda u sheegeynaa ilaa Wixii lagu heshiiyey ee Soomaali dib isugu saalaban lahayd ay qaadato hadee waxkale oo naga dhaxayn kara maba jiraan “