Hayaan Cusub oo Bulsho waa qoraal xambaarsan olole iyo halgan oo wacyi gelin iyo horseed u ah hayaan/geeddi dheer oo sugaya ayanna hurayn bulshada Soomaaliyeed. Waayo bulshadu aad iyo aad bay ugu daahday oo ugu dib-dhacday meesha ay hadda deggen tahay waxayna ahayd inay ka guurto mar hore.
Waa degaan/hab/heer ayan dadku indhaha waxba ka arki karin, haddii ayan gashan ookiyaalo qabiil.
Ookiyaalaha qabiilkunu ma tusi karaan wax ka weyn ama ka sarreeya qabiil iyo dan qabiil. Ookiyaalahaas laguma arki karo dan guud oo bulsho iyo dowladnimo dhab ah oo an ahayn afka baarkiisa iyo magac bilaash ah oo u ka maqan yahay micnihii – sidaynnu u barannay.
Waa hab an aqbali karin in lagu shaqeeyo aqoon, nidaam, caddaalad iyo sinnaan. waxa lagu xisaabtamo oo wax lagu qaybsadaa waa qabiil. Waxa wax lagu helo iyo waxa lagu waayaaba waa qabiil.
Qofku meeshaas ayuu ku dhashaa oo ku barbaaraa. Cilmi ahaanna waxaa la ogaadey inay barbaarintu saamayn weyn ku leedahay qofka/dadka.
Bulshada Soomaaliyeed wali uma guurin sidaas awgeedna ma ay degin waligeed degaan an kaas ahayn. Qofkii Soomaaliya jooga oo an ookiyaalahaas qabiilka gashanayn sidii qof waalan ama wax ka si yihiin baa loola dhaqmaa.
Aqoontii iyo waxgaradkii Soomaaliyeedna waa ay kordheen. Horumarka ay ummado badan oo adduunka inakula nooli gaareenna waa la arkay. Heerka hoose iyo dib u dhaca aynnu ku jirraana maaha mid u ku qanci karo dadweynuhu. Sidaas darteed, hayaan cusub iyo geeddina waa lama huraan.
Xaggee loo hayaamayaa?
Waxaa loo hayaamayaa meel an wax lagu cabbirin waxna lagu qaybsan qabiil. Waa hab/heer wax lagu cabbiro waxna lagu qaybsado xeer iyo nidaam ku dhisan caddaalad iyo sinnaan.
Bulshadii halkaas gaadha dadkeedu had goor danta guud oo bulshada, waajibaadka/xuquuqda muwaaddinka iyo wada noolaanta ayey had iyo goor ka wada hadlaan oo xeeriyaan, taasaana carruurtoodu ku barbaartaa.
Waxa kaliya oo hoggaamiyeyaasha bulshadaasi ku tartamaan waa sii horumarinta bulshada, dalka iyo dadka. Waxay kaloo ku tartamaan, sida ugu habboon uguna caddaalad iyo sinnaan badan oo la isugu qaybin karo khayraadka dalka/dadka iyo baahiyaha jira.
Qof walba dadnimadiisa, kartidiisa, aqoontiisa, waaya’aragnimadiisa iyo wixii uu la yimaado (samo iyo xumo) ayaa loo tixgeliyaa. Sidoo kale, muwaadinkii dhibban ama jilicsan waa loo gargaaraa.
Madaxdooda iyo dadka hoggaaminayaa waxay ku tartamaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka jira, sidii loo midayn lahaa bulshada, sidii loo sugi lahaa amniga, sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo wax-soo-saarka.
Geeddiga iyo hayaanka laga hadlayaa maaha “masaafoguur” ee waa ‘MAANGUUR’, walina soomaaliyi xataa sahan uma ay dirsan deegaanka iyo heerka bulsho oo aynnu hadda ka hadlaynno. Waa in ay garaadkeenna iyo sidaynnu u fakaraynnaa isbeddelaan oo aynnu garanno oo garwaaqsanno inay si sidan dhaanta oo loo dhaqmaa jirto.
Inta an loo guurin deegaankaas/meeshaas waa in horta laga wada hadlo, laga faalloodo, loo oleleeyo oo la wacyi geliyo bulshada. Waana inaynnu u bareerro runta ah:
“degaanka aynnu hadda deggenahay, qaabka ay u taal bulshadeennu iyo sida aynnu u dhaqmaynnaa maaha mid aynnu ku gaari karro dadnimo buuxda, dowladnimo, horumar iyo barwaaqo. Sidaas darteed, waa in lagu dhaqaaqo oo dhakhso loo bilaabo sahankii dhammaan hawlihii la xiriirey hayaankaas dheer oo ina sugaya”.
Said Abdille Ali
Sociologist