Wasiirada Gaashaandhiga wadamada ku bahoobey ciidamada Nato oo kulan ku yeeshey Brussels ayaa go’aan sadey iney Ciidamada Nato ay sii joogaan Xeebaha Soomaaliya ilaa 2016, sidaasna laba sano loogu kordhiyey Howlagalka ka dhanka ah Burcad Badeedka ee ay Ciidaamada Bada ee Nato ay ka wadaan Badweynta Hindiya.
Maraakiibta wadamada Spain, Italy iyo Turkey ayaa hada ka howlgala Xeebaha Soomaaliya iyagoo huwan magaca Nato, Howlgalkaasoo loogu yeero “Operation Ocean Shield”.
Dhinaca kale Ciidamada Bada ee Puntland ayaa iyana qayb ka ah howlgalkaan lagula dagaalamo Burcad Badeedka waxayna Ciidamada Bada Puntland si gaara u wada shaqeeyaan Ciidamada Nato ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Dowlaada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku daydey iney qayb ka naqoto howlgalkaan lagula dagaalamayo Burcad Badeedka laakiin way ku guul dareysteen sababtoo ah Wadamada Nato waxay si hoose ula socdaan Burcad Badeedka iyo Deegaanada ay ka howlgalaan Burcad badeedku iyo Awooda ay Dowlada Federaalku ku leedahay deegaanadaas oo ah mid aanba jirin, sidaas awgood Nato waxay si toosa ula maacaamilaan Dowlaada Puntland oo si wayn u muujisey Daagaalka ka dhanka ah Burcad Badeedka.
Wadamada la dagaalama Burcad badeedka oo ay u horeeyaan UK iyo Denmark waxay Puntland ka dhiseen Xabsiyo waaweyn oo lagu xabsiyeeyo Burcad badeedka ay soo qabtaan Ciidamada Puntland iyo Nato iyo waliba kuwa lagu maaxkamadeeyo Dalka dibadiisa oo Dalka dib loogusoo cesho
Puntlandi.com
Garowe