Safiirka Dowlada Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Ambassador Neil Wigan oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Ingiriiska ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga Puntland, wuxuuna Wafdigu saaka booqasho kukala bixiyeen Suuqyada magaalada Garowe iyo Xarumaha Dowlada Qaarkood.
Wafdiga UK waxay booqdeen Mashaariic Dowlada Ingiriisku maal galisey oo Garowe ka socda, Waxay kaloo soo indha indheeyey suuqyada Caasimada Puntland ee Garowe.
Ambassador Neil Wigan oo shaqada ku cusub waa markii u horeysey ee uu soo booqdo Puntland, wuxuu sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay Amaanka ka jira Puntland wuxuuna yiri “Waan ka Mahad celinaya marti soorka la iisameeyey, waana ku faraxsanayahya in Qaybo kamid ah Soomaaliya ay sidaan u amaan badan yihiin,Masuuliyiintii iiga horeysey Xafiiska ayaa ii sheegey in Puntland tahay meel nabdoon, waxaan rajaynayaa inaan mar walba ku soo noqdo,”
Puntlandi.com
Garowe