Adis Ababa, 6 Ogoosto, 2013–Puntlandi.com– Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha Puntland bisha Janaayo ee Sanadka soo socda 2014, Prof. Gaas oo Shir jaraa’id ku qabtey Hotelka uu degan yahay Magaalada Adis ababa ayaa shaaca ka qaadey inuu u tartamayo Madaxweynanimada Puntland.
Horey ayaa dhowr jeer suuqa loosoo galiyey inuu Dr. Gaas Musharax yahay, lakiin Warbaahinta Puntlandi oo dhowr jeer la xiriirtey wuu ka gaabsadey xiligaas.
Sida ay Puntlandi wararka hoose ku hayaan , Dr.Gaas wuxuu markii hore qorsheynayay inuu u safro Puntland bishaan , markaas ka dibna uu Puntland gudeheeda uga dhawaaqo Musharxnimadiise balse safar casumaad ah oo uu ka heley Dhinaca Maraykanka ayaa sababay inuu maanta oo Talaado ah 6 Ogoosto,2014 uu Adis ababa uga dhawaaqo Musharxnimadiisa .
Wixii soo kordha warkaan kala soco Puntlandi.com
Puntlandi.com
Adis ababa