Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Roobabkii oo ka bilowdey Deegaanada Puntland

$
0
0

War-Deg-Deg-ah
Iyadoo maalmahaan ay dadku Roobdoon wadeen ayaa xalay waxaa Deegaanada Puntland ka bilowdey Raxmadii Eebe.

Saaka waxaa Garowe ka da’ay roob mudo 45
daqiiqo ah socdey, kasoo dhulka biya dhigey, Howdka Sool ayaa iyana rooban lakiin wali faahfaahin kama hayno deegaanadaas.

Gobolka Mudug iyo Nugaal Deegaano ka tirsan ayaa xalay Qaboowsadey, Caduunka deegaanka Qalaanqal ilaa meel u dhow Balibusle ayaa xalay roobku ka da’ay.

Dhinaca Ciidka ee Gobolka Mudug deegaanka Bookh ayaa iyana xalay roobababku gaarsiisan yihiin.

Gobolada Bari, Karkaar, Halayn iyo Gardafuu iyaga roobku ma gaarsiisna laakiin guud ahaan Puntland cirku wuu curan yahay oo rajo roobaad ayaa lagu jiraa.

wixii soo kordha kalasoco Puntlandi

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles