Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Jeneraal Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Wilson magaalada Nairobi, Madaxweyna ku xigeenka ayaa kusii jeeda Magaalada Adis ababa halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka Wadahadalada Dowelada Jubaland iyo dowlada Federaalka.
Waxaa lagu wadaa in Madaxweyne ku xigeenku uu caawa u hoyan doono Nairobi, Berina uu u safri doono Adis iyadoo ay Nairobi ka raaci doonaan Prof. Gaandi iyo Cumar Cabdirshiid.
faahfaahinta warkaan kala soco Wararkayaga Dambe.